Home / ARIMAHA BULSHADA / Ciidamada Xoogga Dalka Soomalia Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Al-Shabaab ah iyo Gaari ay Wateen.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomalia Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Al-Shabaab ah iyo Gaari ay Wateen.

Ciidamada xoogga dalka ayaa gacanta ku dhigay xarakada  Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhig Ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho..

Sida ay qortay Wakaalada wararka SONNA Ciidamada Xoogga dalka qeybta 12-ka April ayaa ka hortagay weerar gaadmo ah oo illaa shan dagaalama ka tirsan Shabaab ku soo qaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ragga la qabtay uu dhaawac yahay, sida Saraakiisha ay u xaqiijiyeen warbaahinta dowladda, waxaa kaloo ciidamada ay gacanta ku dhigeen gaari ay wateen.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dagaalamashan la qabtay loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku qaadayay saldhigyada ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka Muqdisho..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*