Home / ARIMAHA BULSHADA / Dowlada Kenya oo ka Hadashay Qarax lagu dilay Shaqaale Kenyan ah…….

Dowlada Kenya oo ka Hadashay Qarax lagu dilay Shaqaale Kenyan ah…….

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in saddex ka mid ah shaqaalaha waddooyinka Nadiifiya lagu dilay Qarax shalay ka dhacay duleedka Magaalada Mandheera…

Gudoomiye ku xigeenka Koofurta Mandheera  Paul Kemei, ayaa sheegay in shaqaalaha ay u socdeen goobtooda shaqada markii gaari ay wateen uu dul maray Miino waddada la geliyay..

Paul Kemei, waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska ay hawlgal sameeyeen kaddib qaraxaasi hayeeshee aysan jirin cid ay u soo qabteen.

Waxa uu sheegay in qof ka mid ah shaqaalaha uu soo gaaray dhaawac halis ah lana dhigay isbitaalka halka maydka saddexda qof ee kale laga qaaday goobta.

Paul Kemei, ayaa xusay in qaraxa ay Al-Shabaab dhigeen xilli hore oo subaxii ah waqtigaas oo Ciidamada ammaanka aysan joogin goobta.

Shaqaalaha ayuu sheegay in aysan la socon askar badanaa ilaalisa amnigooda, hayeeshee ay ku aadeen qaraxa oo waddada yaalla iyaga oo askar la’aan ah.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo ay sheegtay in Ciidamo Kenyaan ah ay ku dishay qaraxaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*