Home / CAYAARAHA / Garsoorayaashii Soomaaliyeed Ee Sheegay inay joojiyeen Shaqadii ay ka Hayeen Ciyaaraha Dalka iyo Dibadda ayaa Misane Saakay Soo dhajiyay inay

Garsoorayaashii Soomaaliyeed Ee Sheegay inay joojiyeen Shaqadii ay ka Hayeen Ciyaaraha Dalka iyo Dibadda ayaa Misane Saakay Soo dhajiyay inay

Geedkii orod lagu fuulo orodbaa looga soo degaa, Garsoorayaashii Soomaaliyeed ee Usbuucan sheegtay inay joojiyeen shaqooyinkii ay ka haayeen ciyaaraha dalka iyo kuwa dibbada ayaa misane saakay ku dhawaaqay inay ku soo laabteen shaqooyinkooda..

Garsoorayaasha lagu kala magacaabo Suleymaan Shiikh Bashiir, Maxamed Soomali iyo Mahad Gentalman ayaa axadii ku dhawaaqay inay joojiyeen shaqada ay ka hayeen Dalka iyo Dibadda iyagoo cuksanaya sabab aan micno badan dhalineyn, saakayna waxay ku soo laabteen Shaqada iyagoo sheeganaya sabab aan dha dhan badan lahayn.

Waxay markii hore sheegeen inay shaqooyinka gabi ahaan joojiyeen maadaama ay dareemayaan caddaalad darro, eexasho iyo nin Jeclaysi ka imaaneysa maamulka sare.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*