Home / WARARKA DALKA / Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir oo Kormeer Shaqo ku tagay Xarunta Maxkamadda Degmada Hodan…

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir oo Kormeer Shaqo ku tagay Xarunta Maxkamadda Degmada Hodan…

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Degmada Hodan isagoo u kuur galay howlaha shaqo ee ka socda Maxkamadda.

Guddoomiyaha ayaa Warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Maxkamdda Degmada Hodan Garyqaan Axmed Cabdi Cali (Aabi)  iyo howl-wadenada.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa kormeeeray Diiwaanka guud ee Maxkamdda Degmada Hodan iyo habmsami u socodka adeega garsoorka ee Maxkamdddu u qabato bulshada ku nool degmada, Sidoo kale waxa uu u kuur galay caqabadaha haysta Maxkamdda Degmada Hodan.

Kormeerkan ayaa la sheegay in uu ahaanayo mid la joogteyn doono dhammaan Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*