Home / CAYAARAHA / Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Ka Qeybgalaya Koobka UEFA Super Cup Oo Lagu Dhawaaqay…

Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Ka Qeybgalaya Koobka UEFA Super Cup Oo Lagu Dhawaaqay…

Kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay magaalada Tallinn ee dalka Estonia halkaas oo ay kula ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan final-ka koobka UEFA Super Cup, iyadoo ay taasi jirto ayuu hadana tababare Julen Lopetegui magacaabay 29-ciyaartoy oo ay ku jiraan laba xiddig oo dhaawacan.

Dhamaan ciyaartoydaas waxey noqon karaan kursiga keydka maadaama uusan jirin xad sheegaya in kaliya 18-xiddig la magacaabo, sidaas darteed waxaa fursad helay oo safarka ka qeyb galay labada xiddig ee Alvaro Ordiozola iyo Jesus Vallejo.

Real Madrid ayaa ciyaareysa final-kii ugu horreeyay ee tartan ramsi ah tan iyo markii uu baxay xiddigoodii reer Portugal Cristiano Ronaldo kaas oo isaga tagay bishii July.

Saxiixyada cusub ee kooxda Thibaut Courtois iyo Vinicius Junior ayaa liiskaan lagu soo daray, balse go’aanka ciyaartoyda ciyaareysa macalinka ayaa laga sugayaa iyadoo Navas ay suuragal tahay inuu kasoo hormaro xiddiga reer Belgium.

GOOLHAYEYAAL: 

Keylor Navas, Kiko Casilla, Luca Zindane, Andriy Lunin, Thibaut Courtois.

DAAFACYADA: 

Dani Carvajal, Jesus Vallejo, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho, Marcelo, Alvaro Odriozola, Sergio Reguilon, Javi Sanchez, Sergio Lopez.

KHADKA DHEXE: 

Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Marcos Llorente, Marco Asensio, Isco, Dani Ceballos, Fede Valverde.

Forwards: 

Karim Benzema, Gareth Bale, Lucas Vazquez, Borja Mayoral, Raul de Tomas, Vinicius Junior.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*