Home / CAYAARAHA / Madaxa Fulinta Arsenal Ivan Gazidis Iyo Mikel Arteta Si Gaar Ah U Wada Hadlay Kaddib Kulankii Man City, Maxaa Dhexmaray?

Madaxa Fulinta Arsenal Ivan Gazidis Iyo Mikel Arteta Si Gaar Ah U Wada Hadlay Kaddib Kulankii Man City, Maxaa Dhexmaray?

Madaxa fulinta Arsenal Ivan Gazidis waxaa la warinayaa in uu si shaqsi ah ula hadlay Mikel Arteta kaddib kulankii ay Mancehster City la dheeleen toddobaadkan.

Arteta waxa uu qarka u fuulay in loo magaacabo xilka tababare ee Arsenal kaddib wadahadallo muddo u socday isaga, Gazidis iyo madaxda Gunners.

Hase ahaatee, Arsenal waxa ay ka doorbiday Unai Emery oo u arkayey in 46 jirka ka khibrad badan yahay ciyaaryahankoodii hore.

Sida laga soo xigaayo The Telegrapah, Gazidis wali waxa uu xiriir wanaagsan la leeyahay Arteta isaga oo ka qanciyey sidii ay arintu dhacday.

Gazidis waxa uu xaqiijinayey in aysan wax cuqdad ah ka dhex dhalan Arteta iyo Arsenal.

Gazidis sidoo kale waxa uu u rejeeyey wanaasan Arteta iyo wayihiisa Mancehster City.

Kulankan waxa uu ahaa kii ugu horreeyey ee ay Gazidis iyo Arteta yeesheen tan iyo wadahadaladdii loogu dhiibi lahaa Arsenal markii uu meesha ka baxay.

Arteta waxa uu sameeyey bandhigyo wanaagsan labadii sano ee uu City gacan yaraha ugu ahaa Pep Guardiola waxa uuna ka shaqeeyey goolkii uu Arsenal ka dhaliyey Bernando Silva.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*