Home / WARARKA DIBADA / Madaxweynihii Hore ee Argentina oo Maxkamad la soo Taagay.

Madaxweynihii Hore ee Argentina oo Maxkamad la soo Taagay.

Madaxweynihii hore ee dalka Argentina haweeneyda lagu magacaabo Cristina Kirchner ayaa hortagtay maxkamadda dalkaasi si ay jawaab uga bixiso dacwad la xiriirta kiisas dhinaca musuqmaasuqa ah.

Maamulkeeda ayaa lagu eedeeyay in ay aqbaleen qaadashada lacago Malaayiin Dollar ah oo ay bixiyeen qaar ka mid ah ganacsatada dalkaasi.

Haweeneydaan ayaa ku andacootay in dacwadaha ka dhanka ah ay yihiin kuwo la doonayo in looga saaro tartanka doorashooyinka sanadka dambe ee ay isu diyaarineyso.

Qaar ka mid ah Ganacsatada iyo Saraakiil horay uga tirsanaa Dowladda ayaa la dhigay xabsiga,kadib markiii Wargeyska La Nacion uu 1-da bishaan qoray warbixin uu kaga hadlaayo lacago Malaayiin dollar ah oo laaluush ah oo ay kala qaateen Wasiirro iyo Ganacsato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*