Home / CAYAARAHA / Paul Pogba Oo Madaxiisa Hoos U Dhigay Xilli Uu Dagaal Qarsoon Kala Dhaxeeyo Jose Mourinho Iyo Daafacii Hore Red Devils Wes Brown Oo Ka Hadlay…

Paul Pogba Oo Madaxiisa Hoos U Dhigay Xilli Uu Dagaal Qarsoon Kala Dhaxeeyo Jose Mourinho Iyo Daafacii Hore Red Devils Wes Brown Oo Ka Hadlay…

Waxaa laga yaabaa inuu jiro dagaal qarsoon oo ka dhaxeeya tababare Jose Mourinho iyo xiddigiisa reer France Paul Pogba, balse xiddiga soo hantay koobka Adduunka ayey tahay in lagu ammaano sida uu madaxiisa hoos u aadiyay, waa fikirka uu qabo daafacii hore kooxda Red Devils Wes Brown.

In doorka hoggaanka (Kabtanimada) kooxda loo dhiiboa Paul Pogba waa sheeko loo fahmi karo iney dhalin karto xasillooni u dhaxeysa macalinka iyo xiddigiisa, waxeyna u muuqatay in xiddiga reer France uu qudhiisa xaqiijiyay kadib kulankii ay kooxdiisa guusha gaartay.

Mourinho ayaa ka dhigay xiddiga soo hantiyay koobka Adduunka kabtanka kulankii Leicester City ee furitaanka horyaalka, balse dagaalka u dhaxeeya inyar waxaa sii iftiimiyay Paul oo saxaafadda la wadaagay in la ganaaxi doono hadii uu wax ka sheego macalinkiisa..

Iyadoo ay taasi jirto ayuu hadana Brown aaminsan yahay in bilaabashada horyaalka iyo in Paul Pogba laga dhigo kabtan ay abuureyso xasillooni fiican, sidoo kalana xiddiga uu soo bandhigi karo qaab ciyaareedkiisii Russia 2018.

Waan jeclaan lahaa inaan ogaado waxa uu ku fakaray balse uusan sheegin, balse wali waa xiddig ka tirsan Manchester United” ayuu yiri Brown.

“Si dhab ah uma ogi waxa ku saabsan waxa uu yiri ama uu ka hadlay, balse waa xiddig ka tirsan Man United, waan hubaa inuu ku faraxsan yahay halkaas”

“Wuxuu dhaliyay jimcadii gool, fasal ciyaareedka hadda ayuu bilowday, sidaas darteed wuxuu hoos u dhigi doonaa madaxiisa si uu u ciyaaro kubadda cagta.

“Waxey ila tahay inuu yahay mid wanaagsan, wuxuu isku dayayaa inuu kooxda sida ugu fiican u sameeyo sida ciyaartoyda kale..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*