Home / ARIMAHA BULSHADA / TAARIIKH KOOBAN OO KU SAABSAN GOBOLKA BAKOOL IYO DAGMOOYINKEEDA.

TAARIIKH KOOBAN OO KU SAABSAN GOBOLKA BAKOOL IYO DAGMOOYINKEEDA.

GOBOLKA BAKOOL waxa uu ku yaalaa koonfur galbeed ee Somalia, dhanka qorax kaso baxa waxa kaxigo gobolka Hiiran, dhanka qorax u dhacna waxaa ka xigo gobolka Gedo, dhanka woqooyina wadanka Ethopia iyo ugu dambeyn dhinca koonfured gobolka Bay.

Degmooyinka gobolka BAKOOL:

Gobolka Bakool waxaa uu ka koobanyahay 5 degmo waxaa ayna kala yihin:
1- Huddur/xuddur: megaalo madaxda gobolka bakool
2- Ceelberde
3-Tiyeeglow
4-MAGAALADA WAAJID
5- Yeed.

Dhaqaalaha gobolka BAKOOL:

Dhaqaalaha gobolka Bakool waxaa uu ku tiirsanyahay dhaqashada xoolaha iyo beeraha. Marka intaas laga soo tagana ganacsiga ayaa kaalin weyn ka ciyaara dhaqaalaha gobolka. Gobolka bakool ayaa ah gobol kuyaala xuduuda Ethopia, gobolada xuduudaha dhaca ayaa inta badan dadka dhaqaaliyahnada ah waxaa ay ku tilmaaman in ay ka fursad badanyihin kuwa kae ee aan xuduudaha dhicin. Balse ilaa iyo hadda majirto xiriiro ganacsi uu gobolka la leeyahay wadanka Ethopia.
Gobolka Bakool ayaa ku can baxey wax soo saarka malabka saafiga ah oo dadku aad ay u jecelyihin. Dadka gobolka dega seddax meel waa beeraley, waxa yaabaha ay soo saran waxaa ugu caansan mizigada taas oo u baahan biyo iyo kuleylka qoraxda. Gobolkan roobka waxaa uu ku da’aa sanadkii 2 jeer, waana guga iyo deyrta.
Marka la eego xoolaha waa sheyga labaad ee dhaqaaluhu uu ku tiirsanyahay, noociyada kala duwan ee xoolaha sida geela, ariga, lo’oda iyo idaha ayaa laga dhaqdaa gobolka bakool.
gobolka waxaa kaloo uu leeyahay kheyrad macdanta taaso dadku aysan awood u leheyn in ay soo saartan oo ay ka faa’ideystaan sababta ugu caansana ay tahay mushkilada wadanka oo idil heysata.

Dugsiyada waxbarasho ee GOBOLKA BAKOOL:

Dugsiyada waxbarasho ee ugu caansan gobolka BAKOOL waxaa kamid ah:-
1-Dugsiga sheytam ee Magaalada WAAJID.
2-Dugsiga Cabdiraxman Zeylici ee degmada Tiyeeglow
3-Dugsiga shodog ee degmada xudur
4-Dugsiga Buulow ee isla degmada xudur.

 

Hidaha iyo Dhaqanka gobolka BAKOOL:
Hidaha iyo dhaqanka gobolka bakool waxaa u shabahaa midka wadanka intiisa kale. Waxa yaabaha ugu caansan ee uu la gooni yahay bobolka Bakol waxaa kamid ah ciyaaro kala duwan sida: Saar, Waaloy, Shabil iyo Qaboobey. Inta badan ciyaarahan waxaa la ciyaara munaasabado qaas ah iyo waqtiyo cayiman sida xiliga Ciida iyo aroosyada. Shicirka ayaa asna kamarneyn oo xiliga ilmuhu ay dhashaan, si loogu amaano cunuga dhashey.

Taariikhda gobolka Bakool halkan ma ku soo koobi karno laakiin haddii aan wax yar ka taabano:

Degmada tiyeeglow waxaa ku yaalo masjid lagu magacaabo masjid-biyooley kaaso qaar kamid ah soomalida ay xili aan sidaas u fogeyn xitaa ziyaaran jireen waayo halkaa waxaa ku duugan sheikh awes al-baraawi.
Cabdiqaadir Isxaag wuxuu ahaa ra’iiski baarlamaanka dowladii Intiqaaliyinta sandka marku ahaa 2000A.C
Cabduqaadir Sakha’udin waxaa uu kaso jeeda gobolka bakol, gaar ahaan degmada Tiyeeglow oo uu ku dhashey sanadka marku ahaa 1919. Wuxuu hogaamiye u ahaa ururkii xuriyad doonka ee somaliyed (SYL).
maclumad kale oo ku saabsan gobolka bakol
gobolka bakool masaaxo ahaan waxaa uu ku fadhiyaa (26.962km2) dhirirka u dhaxeeya megaalo madaxda gobolka bakool xudur iyo caasimaada somaliya ee moqdisho waa 430km, degmada waajid ayaana xududka Ethopia ujirta 70km halka megaalada Rabdhore ay u jirto 30km.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*