Home / CAYAARAHA / Guardiola Oo La Kulmay Dhaawac Dhabar Jab Ah Iyo Kevin De Bruyne Oo Dhawr Bilood Garoomada Ka Maqnaan Kara..

Guardiola Oo La Kulmay Dhaawac Dhabar Jab Ah Iyo Kevin De Bruyne Oo Dhawr Bilood Garoomada Ka Maqnaan Kara..

Kooxda Manchester City ayaa la kulantay dhaawac dhabar jab ku ah macalinka kooxdeeda ee Pep Guardiola kadib markii si rasmi ah loo xaqiijiyay in Kevin De Bruyne uu soo gaadhay dhaawac aad halis u ah isla markaana uu garoomada kaga maqnaan karo muddo dhawr bilood ah. Intii ayna Manchester City warbixin caafimaad ka soo saarin xaalada Kevin De Bruyne, khabiirka kubbada cagta Belgium ee Kristof Terreur ayaa xaalada dhaawaca xidigan shaaciyay.

Kristof Terreur ayaa saacad ku dhawaad intii ayna Manchester City warbixin ka soo saarin De Bruyne waxa uu shaaciyay in xidiga ree Belgium uu garoomad ka maqnaan doono muddo 2 bilood ka badan taas oo naxdin ku abuurtay jamaahiirta Man City.

Laakiin hadda Manchester City ayaa warbixin caafimaad ka soo saartay xaalada De Bruyne kaas oo uu dhaawac halis ahi ku soo gaadhay xarunta tababarka kooxdiisa Manchester City waxaana warbixintan lagu cadeeyay in De Bruyne uu mari doono baadhitaano caafimaad si loo ogaado inta uu leeg yahay dhaawaca soo gaadhay.

War qoraal ah oo lagu daabacay shabakada rasmiga ah ee Manchester City oo looga hadlay xaalada dhaawaca De Bruyne ayaa lagu yidhi: “Kevin De Bruyne waxa baadhitaano looga samaynayaa jilibkiisa mdiig kadib markii uu arbacadii dhaawac ku soo gaadhay tababarka.

Waxaana qoraalka la sii raaciyay:” Inta ay dhibaatadu leeg tahay wali lagama oga isla markaana waxaanu idiin soo gudbin doonaa xaalada ugu danbaysa Kevin ee inta hawshu socoto.

Khabiirka kubbada cagta Belgium ee Kristof Terreur ayaa shaaciyay in dhaawaca soo gaadhay Kevin De Bruyne uu yahay mid halis ah isla markaana uu garoomada kaga maqnaan doono muddo laba bilood ama ka badan taas oo xaalad xun ku abuuraysa Guardiola oo doonayay in uu dib u wada helo xidigihiisa muhiimka ah.

Manchester City ayaa guul muhiim ah ugu bilaabtay difaacashada Premier league laakiin dhaawaca maanta xarunta tababarka Sky Blues ku soo gaadhay De Bruyne ayaa ah mid dhibaato ku abuuraysa qorshihii Guardiola.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*