Home / CAAFIMAADKA / Dhaqtarkii Gaarka ahaa ee Boqoradda Ingiriiska oo Geeriyooday.

Dhaqtarkii Gaarka ahaa ee Boqoradda Ingiriiska oo Geeriyooday.

Waxaa Cuspitalka Magaalada London ku geeriyooday Dhaqtarkii gaarka ahaa ee Boqoradda Dalka Ingiriiska “Queen Elizabeth II”, markii Arbacadii Todobaadkan uu galay shil Baaskiil, sida ay qortay  Jariiradda The Washington Post.

Peter Fisher,oo 67 jir ahaa ayaa u dhintay dhaawac xooggan oo kasoo gaaray Gaari xamuul ah oo ku dhacay Baaskiil uu watay xilli uu ku socday shaqadiisa, waxaana geeridiisa ku war geliyay Aqalka Boqortooyada Dhaqaatiirtii baxnaanineysay xaaladdiisa iyo Boliiska.

Agaasimaha waaxda caafimaadka ee Jaamacadda London Gill Gaskin , ayaa sheegay inuu Mr; Fisher ahaa shaqaale fiican oo heegan u ahaa daryeelka bukaanka una debecsanaa Dadka, isagoo sheegay inay wada shaqaynayeen in ka badan 35 Sano.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*