Home / CAYAARAHA / Toni Kroos Oo Dabka Kusii Shiday Xidiga Ay Isku Dalka Kasoo Wada Jeedaan Ee Mesut Ozil Isaga Oo Dhaliilay Qaabkii Uu Ciyaaraha Caalamiga Ah Uga Fadhiistay.

Toni Kroos Oo Dabka Kusii Shiday Xidiga Ay Isku Dalka Kasoo Wada Jeedaan Ee Mesut Ozil Isaga Oo Dhaliilay Qaabkii Uu Ciyaaraha Caalamiga Ah Uga Fadhiistay.

Xidiga Khadka dhexe xulka qaranka Germany iyo kooxda Real Madrid Toni Kroos ayaa dabka kusii shiday xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda Arsenal Mesut Özil, kadib markii uu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Mesut Özil ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay u ciyaarista xulka qaranka Germany, kadib koobkii aduunka ee 2018 ee dalka Russi, wuxuuna kadib bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu kala kulmay falal cunsurinimo ah, saxaafada iyo jamaahiirta, sababa la xidhiidha in asal ahaan uusan kasoo jeedin dalka Germany.

Laakiin Toni Kroos oo ka hadlayay erayada Mesut Özil ayaa ku tilmaamay “Nacas”, isagoo dhinaca kale sheegay inaysan cidna ku dhici Karin inay cunsuriyadeyso Mesut Özil.

Toni Kroos ayaa wareysi uu dhawaan ku bixiyay wargeyska “Bild” ee dalka Germany wuxuu ku sheegay: “Qaabka uu kaga fariistay ma ahan qaab sax ah, qeyb ka mid ah hadalkiisa ayaa tilmaamaya waxyaabo aan muhiim ahayn in la tilmaamo, wuxuu dhexda kaga jiray nacasnimo badan”.

Khadka dhexe kooxda Real Madrid ayaa hadalkiisa kusii darsaday: “Mesut Özil wuu ogyahay inuusan jirin wax cunsurinimo ah ee dhanka xulka qaranka Germany, waxaana jira tusaalooyin badan oo xaqiijinaya arintan”.

Toni Kroos ayaa kusoo xirtay hadalkiisa: “Dhamaanteen waxaan la kulanay dhaleeceeno kala duwan, kadib guuldradii aan kala kulanay koobka aduunka ee 2018, waxaana jiray marar qaar dhaleeceyno xun, laakiin mar walba waa inaad la noolaataa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*