Home / CAYAARAHA / RASMI: Tababare Jose Mourinho Oo Xaqiijiyey Xiddiga Noqonaya Kabtanka Manchester United.

RASMI: Tababare Jose Mourinho Oo Xaqiijiyey Xiddiga Noqonaya Kabtanka Manchester United.

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho waxa uu xaqiijiyey in Antonio Valencia xiran doono caalamadda kabtannimada Red Devils markii uu dib ugu soo laabto kooxda.

33 jirkaan u saftay Manchester United 235 kulan tan iyo markii uu 2009 uga soo biiray kooxda Wigan Athletic ayaa dhaawac ku maqan.

Hase ahaatee, tababare Jose Mourinho ma uusan sheegin waqtiga uu soo laabanayo xiddiga reer Ecuador.

Paul Pogba ayaa xirnaa caalamada kabtanka kulankii Leicester City, waxaana ay u badan tahay inuu sii xiran doono ilaa iyo inta uu Antonio Valencia ka soo laabanayo.

Isaga oo ka hadlayay xaaladda kabtannimo ee Old Trafford, Mourinho waxa uu yiri: “Waxaan ku fekernay, waxaan qabaa in ay ahayd kulankii Basel, Pogba waa nin yar, shaqsiyad wacan leh, lagu sameeyey kuliyadda, caadiyan ah xiddig ku soo bilowda safka hore, markaa waxa uu leeyahay calamaadihii uu kabtan mustaqbalka ku noqon lahaa.

Wuu sii ahaan doonaa kabtanka haddii uu Valencia kooxda ku jirin, waxa uu ahaa kabtan, kulanka soo socda uma maleenayo in Antonio ciyaari doono, markaa isaga ahaan donna kabtanka.

“Maalinta uu soo noqdo Antonio Valencia isaga ayaa kabtanka ahaan doona”.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*