Home / WARARKA DALKA / XOG:- In Ra’iisul Wasaare Kheyre Ku Amray Diblomaasiyiinta Safaaradda Sudan inay Degdeg Ku Soo Galaan Dalka Somalia

XOG:- In Ra’iisul Wasaare Kheyre Ku Amray Diblomaasiyiinta Safaaradda Sudan inay Degdeg Ku Soo Galaan Dalka Somalia

Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah oo fulinaysa amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku wargeliyay sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ka hawl gala safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan in si deg deg ah ku soo galaan dalka, si wadatashi lola sameeyo.

Amarkan oo soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 18 August ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga oo uu ku saxiixan yahay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Danjire Siciid Xaaji Maxamuud ayaa lagu war-geliyay mas’uuliyiinta in ay dhawraan waqtiga loo qabtay in ay dalka ku soo laabtaan.

U yeeridda biblamaasiyiinta iyo hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Khartuum ayaa ka dambeeyay cabsasho ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ay ka gudbiyeen mas’uuliyiinta safaaradda intii lagu guda jiray safarkii dhowaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku tageen magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*