Home / CAYAARAHA / Liverpool Oo Heshiis Cusub Ku Abaalmarineysa Daafaca Kooxdeeda Anfacay Ee Andrew Robertson Xilli Reds Ay Siin Doonto Laba Jibaarka Mushaharkiisii Hore

Liverpool Oo Heshiis Cusub Ku Abaalmarineysa Daafaca Kooxdeeda Anfacay Ee Andrew Robertson Xilli Reds Ay Siin Doonto Laba Jibaarka Mushaharkiisii Hore

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa inay heshiis cusub ka saxeexato daafaca bidix ee kooxdeeda ee Andrew Robertson kaas oo si weyn u anfacay kooxda tababare Klopp isla markaana kasoo dhalaalay garabka daafaca bidix ee Reds.

Robertson ayaa xagaagii hore lacago 10 Milyan ah kusoo gaadhay Anfeild isagoo iskaga soo tagay dhinaca Hull City, Qiimaha ay Reds ku heshay daafacan ayaa ah mid aad u raqiis ah marka loo eego xaalada suuqa kala iibsiga ee haatan maadaama oo Robertson uu mudo kooban kaga mid noqday daafacyada bidix ee Premier League kuwooda ugu fiican.

Walow heshiiskii uu 24 jirkani saxeexay 13 bilood kahor ay wali ka hadhsan tahay mudo saddex sano ah haddana Reds ayaa doonaysa inay sii dheerayso qandaraaska xiddigan si ay meesha uga saarto xiiso kasta oo u yimaada Andrew.

Heshiiska cusub ee Robertson ayaa ah mid kor u qaadis weyn lagu samayn doono mushahaarka xiddigan iyadoo loo gaadhsiin doono £60,000 toddobaadkii oo ah laba jibaarka mushahaarka uu haatan uga xaadiro kooxda.

Daafacan ree Scotland oo hore ugu soo ciyaaray kooxaha  Queen’s Park Rangers iyo Dundee United ayaa la filayay inuusan si dhakhso ah boos joogto ah uga heli doonin shaxda tababare Jurgen Klopp balse waxa uu isla markiiba muujiyay sida uu ugu haboon yahay safka koowaad ee kooxda isagoo booska kala baxay Alberto Moreno oo bandhigyo aan wacnayn sameeyay.

Si kastaba ha ahaatee, Andrew Robertson ayaa la filayaa inuu muhiim ka noqon doona kooxdiisa xilli ciyaareedkan oo ah xilli ciyaareed ay rajo weyn qabaan oo ay filanayaan inay soo af-meeraan abaarta koob la’aaneed ee kooxda ku habsatay sanadihii ugu dambeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*