Home / WARARKA DALKA / Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Munaasabada Ciida ugu Hambalyeeyay Shacabka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Munaasabada Ciida ugu Hambalyeeyay Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasanada Barakeysan ee Ciidul Adxa.

“Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeynayaa meel walba ay joogaan Munaasabada Ciidul Adxa, waxaan leeyahay sanadkaan sanadkiisa ku ciida Nabad iyo Barwaaqo”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Munaasabadda Ciidda awgeed Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay is cafiyaan kana wada shaqeeyaan sidii Nabad iyo Barwaaqo uu u gaari lahaa Dhulkooda Hooyo.

“Waxaan rabaa inaan uga faa’iideysto Maalintan barakeysan Muhiimada ay leedahay in la is cafiyo, muhiimada ay leedahay inaan kuligeen gacmaha is wada qabsano, Muhiimada ay leedahay inaan soo celino dowlad-nimada, muhiimada ay leedahay inaan ka wada shaqeyno amniga iyo xasiloonida, muhiimada ay leedahay inaan kuligeen ka wada shaqeyno dib u heshiisiinta, muhiimada ay leedahay inaan isla xisaabtano meelna uga soo jeesano Musuq maasuqa aafeeyay umadda Soomaaliyeed iyo ugu dambeyntii inaan u sheego Umadda Soomaaliyeed inaan leenahay Hal wadan aana ku qasbanahay inaan wada jeclaano, wada dhisno, wadda aaminana inaan wada leenahay mar labaad Ciid Wanaagsan Allaha idin Barakeeyo meel walboo aad joogtaan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*