Home / CAYAARAHA / Ronaldo, Modric iyo Salah oo isugu soo Haray Abaalmarinta laacibka UEFA ee Sanadka iyo Messi oo Ka Haray

Ronaldo, Modric iyo Salah oo isugu soo Haray Abaalmarinta laacibka UEFA ee Sanadka iyo Messi oo Ka Haray

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo waxqabadkiisii Real Madrid, Kubbad qaabeeyaha Los Blancos Luka Modric iyo weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa u sarraxan abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ee qaaradda Europe xilli ciyaareedkii soo idlaaday ee 2017/18.

30-ka bisha August ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa xiddigga UEFA ee sanadka xilligaas oo la sameyn doono isku aadka tartanka UEFA Champions League.

Sidoo kale kalkaas waxaa la bixin doonaa abaalmarinta gabadha ugu wanaagsan ee sanadka iyo sidoo kale abaalmarinta laacibiinta ugu wanaagsan ee boosaska tartankii CL-ga xilli ciyaareedkii hore sida goolhaye, difaac, khadka dhexe iyo weerarka oo min hal ciyaaryahan loo magacaabi doono.

Captain-ka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaanan ka mid ahayn saddexda musharrax ee ugu dambeysa ee ku tartameysa abaalmarinta EUFA Player Of The Year.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*