Home / WARARKA DALKA / Dowlada Itoobiya Oo Amar Ku Bixisay in Xabsiga la Dhigo Taliyihii Hore ee Sirdoonka

Dowlada Itoobiya Oo Amar Ku Bixisay in Xabsiga la Dhigo Taliyihii Hore ee Sirdoonka

Dowladda Itoobiya ayaa waxay warqad lagu soo xirayo u jartay Madaxii hore ee sirdoonka dalkaas Getachew assefa.

Ninkan ayaan ku jirin kulankii Xisbiga talada haya ee EPRDF, waxaa sidoo kale la sheegayaa in muddo bil ah aan bartiisa la arag.

Warbaahinta Itoobiya qaarkood ayaa qoray Getachew assefa inuu u baxsaday dhinaca dalka Suudaan, isagoo muddo ku sugnaa gobolka Tigray ee uu ka soo jeedo.

Bilo ka hor ayaa la sheegayaa in qoyskiisa uu dibadda u dirsaday isaguna hadda ka baxsaday Dalka Itoobiya.

Dembiyada loo heysto waxaa ka mid ah xarig sharci daro ah, jirdil, dil toos ah iyo ku tumashada awoodda iyo meel ka dhaca xuquuqda aadanaha.

Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa markii la magacaabay waxaa uu xilalka ka qaaday taliyeyaal ciidan oo ku jiray taliyihii sirdoonka Getachew assefa, isagoo ku bedelay taliyeyaal cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*