Home / CAYAARAHA / DEG-DEG: Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Falastiin Oo Lionel Messi Dartiis Hal Sano Looga Ganaaxay Ciyaaraha.

DEG-DEG: Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Falastiin Oo Lionel Messi Dartiis Hal Sano Looga Ganaaxay Ciyaaraha.

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa muddo hal sano ah ka ganaaxay inuu ku lug yeesho ciyaaraha kubadda cagta amaba uu ka qeyb galo dhacdooyinka madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Palestine kadib markii uu taageerayaasha kubadda cagta ugu baaqay iney naceyb u qaadaan Lionel Messi.

Jibril Rajoub ayaa ugu baaqay taageerayaasha carabta ah iney gubaan maaliyadda iyo sawirada Lionel Messi hadii uu ka qeyb galo kulan ay ku balansanaayeen wadamada Israel iyo Argentina bishii June ee lasoo dhaafay, arrintaas ayaana sababtay iney xiriirka kubadda cagta wadanka reer Koonfurta America kansalaan kulan ay ugu diyaar garoobayeen koobkii Adduunka.

Guddiga anshaxa ee FIFA ayaa aad u dhaleeceeyay hadalka kasoo yeeray madaxweyne Rajoub kaas oo uu taageerayaasha ugu baaqay iney ugaarsadaan xiriirka kubadda cagta Argentina sidoo kalana gubaan wax walba oo la xiriira Messi.

Rajoub kama qeybgali karo muddo 12-bilood ah dhacdooyinka kubadda cagta iyo wax walba oo la xiriira, sidoo kalana masii wadan doono shaqooyinkiisa aas-aasiga ah.

Sida dadka kubadda cagta aaminsan yahiin iyagoo u garaabaya FIFA waxey sheegeen in kicinta taageerayaasha iyadoo la adeegsanayo waxyaabo naceyb, diin ama dagaal siyaasadeed la xiriira ay xumeyn karaan sawirka guud ee kubadda cagta, taasna ay keentay iney hay’adda qaadato go’aan u muuqda digniin oo la duldhigay madaxa ugu sarreeya kubadda cagta Palestine.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*