Home / WARARKA DIBADA / Maxkamada Sare ee Zimbabwe Oo Ansixisay Natiijada Doorashadii Uu Ku Guuleystay Mnangagwa

Maxkamada Sare ee Zimbabwe Oo Ansixisay Natiijada Doorashadii Uu Ku Guuleystay Mnangagwa

Maxkamada Sare ee dalka Zimbabwe ayaa diiday maanta dalab ay ku doonayeen mucaaradka dalkaas in lagu baabi’iyo natiijada doorasho dhowaan ka dhacday wadankaas oo uu ku guuleystey Emmerson Mnangagwa.

“Kadib markii aan baaritaan ku sameynay codsiga mucaaradka waxa maxkamada u cadaatay  in eedaha ay soo jeediyeen oo ah wax is daba marsiin in ay yihiin kuwo aan lahayn cadeyn ku filan.”ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Zimbabwe Luke Malaba.

“Emmerson Dambudzo Mnangagwa waa musharax ku guuleystey doorshada dhacday  30ka July 2018.”ayuu sii raaciyay.

Hase yeeshee dadka arrimaha siyaasada falanqeeya ayaa horeba u saadaalinayay in maxkamada sare ay ka soo horjeesanayso eedaha ay soo jeediyeen xisbiga mucaaradka Zimbabwe ee MDC.

Qareenada u doodayay xisbiga Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiga Isbedel doonka MDC ayaa ku dooday in natiijada doorashada ay ahayd mid lagu shubtay.

Mnangagwa oo ah hogaamiyaha xisbiga ZANU-PF ayaa ku guuleystey doorashada boqolkiiba 50.8 taasoo ah inkabadan codadkii laga doonayay si aan markale loo gelin wareeg labaad oo doorsho ah, halka hogaamiyaha mucaaradka Nelson Chamisa uu ka helay codad gaaraya 44.3 boqolkiiba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*