Home / WARARKA DALKA / Shir Arrimaha Socdaalka ku Saabsan oo Muqdisho ka furmay…

Shir Arrimaha Socdaalka ku Saabsan oo Muqdisho ka furmay…

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo wada shaqeynta hey’addaha ka howlgala albaabada Dalka laga soo galo ama looga baxo sida; Xuduudaha dhulka, Garoomada diyaaradaha iyo Dekadaha.

Shirka oo furitaankiisa goob joog ay ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sida ugu muhiimsan ee lagu adkeyn karo xiriirka wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeya dhammaan hey’adaha ka howlgala meelaha wadanka laga soo galo.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in u jeedka kulanka ay tahay helitaanka iskaashi buuxa oo dhex mara dhammaan laamaha howshoodu tahay albaabada dalka  laga soo galo ama looga baxo.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya, sareeyo gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga, Mudane Maxamuud Maxamed Boonow iyo mas’uuliyiin kale.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*