Home / CAYAARAHA / Gareth Bale Oo Fariin codsi ah u Diray Macalinka Kooxda Real Madrid Julen Lopetegui

Gareth Bale Oo Fariin codsi ah u Diray Macalinka Kooxda Real Madrid Julen Lopetegui

Xidiga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Weles ee Gareth Bale ayaa wuxuu codsi u ditay tababare Julen Lopetegui, kdib guushii ay kag gaareen kooxda Girona 4-1.

Gareth Bale ayaa kadib bixitaanka Cristiano Ronaldo u muuqda mid bandhig wanaagsan ka sameenaya kooxda Real Madrid, wuxuuna qeyb ka ahaa goolasha ay Los Blancos xalay guusha kaga gartay kooxda Girona.

Real Madrid ayaa heshay kulankii Girona laba rigoore, waxaana labadaba kala dhaliyay xidigaha Sergio Ramos iyo Karim Benzema, xidiga reer Weles ee Bale ayaana ka codsaday Lopetegui inuu tuuro rigoorayaasha kooxda Real Madrid.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan qeyb ka noqdo rigoore tuurista, laakiin go’aanka wuxuu ku jiraa gacanta macalinka, waana soo dhaweenayaa go’aanka”.

“Haddii aan helo fursad aan ku tuuro, waan hubaa inaan diyaar u ahay inaan dhaliyo, waxaan filayaa inaan si wanaagsan kaga soo muuqan karo”.

“Waxaan u ciyaarnay si wanaagsan qeybta labaad ee ciyaarta kulankii Girona, waxaan qaadanay kulan aad u adag, waxay tani ina siineysaa fursad aan kusii wadan karno guulaha”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*