Home / DEEGAANKA / Banaanbax ay Dhigeen Dadweyne Careysin Oo Ka Dhacay D/Bardaale Ee G/Baay Musharax Madax weyne KGS Shariif Xasan Hadhinto.

Banaanbax ay Dhigeen Dadweyne Careysin Oo Ka Dhacay D/Bardaale Ee G/Baay Musharax Madax weyne KGS Shariif Xasan Hadhinto.

Banaanbax loogu soo horjeedo in dib loo soo doorto Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka shaley ka dhacay Degmada Bardaale ee Gobalka Baay.

Dibadbaxaasi ka dhacay Degmada Bardaale oo aay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshadda Odayaasha dhaqanka ayaa waxa- aay ku dhawaaqeyeen Shariif Xasan Hadhinto  doono mayno.

Shacabka ku dhaqan Degmada Bardaale oo kamid Degmooyinka Gobalka Baay, ayaa sheegay in aay Maamulka Koonfur soomaaliya ka baxaayaan hadii markale dib loo doorto Shariif Xasan Sheekh Aadan oo aay sheegen in wax hurumar ah uusan sameyn into xilka haayay.

Shariif Xasan oo markale u taagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa soo badanaya dadka ka diidan siyaasadiisa iyo dibadbaxyada ka dhan Dal iyo Dibadba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*