Home / CAYAARAHA / Sababta Xalay Ronaldo uga Maqnaa Xaflada Maxay Tahay Miyuu Ogaa inaan loo Dooran Doonin Laacibka Sanadka 

Sababta Xalay Ronaldo uga Maqnaa Xaflada Maxay Tahay Miyuu Ogaa inaan loo Dooran Doonin Laacibka Sanadka 

Cristiano Ronaldo ayaa xalay u Gooyay xafladii lagu bixinayay abaal marinta laacibka ugu fiican Yurub iyadoona la sheegin sabab Rasmi ah inkastoo warar kala duwan la soo sheegay.

Xiddigaha Real Madrid oo sanadii saddexaad ku guuleystay Champions League ayaa dal dashay abaal marinadii xalay la bixinayay iyagoona ka carooday maqnaanshaha laacibkoodii hore maadaama uu qeyb ka ahaa guushooda.

Ramos oo xalay loo magacaabay daaficii ugu fiicnaa koobka dhaga waynaha ayaa wareysigiisa ku sheegay inuu aad ula yaabay maqnaanshaha Ronaldo isagoona sheegay inuu sameeyo wuxuu doono.

Kabtanka Portugal ayaa loo magacaabay Dhaliyihii ugu fiicnaa Champions League kal ciyaareedkii tagay, laakiin abaal marinta laacibka Sanadka waxaa ku garaacay saaxiibkii hore ee Luka Modric.

Agaasimaha Guud ee Juventus  Giuseppe Marotta, ayaa sheegay in Ronaldo uu xalay u maqnaa go’aan shaqsi ahaaneed.

Laakiin warar dhawaan gal ah ayaa tibaaxaya inuu xaflada u gooyay kaddib markii uu ka war helay inuusan ku guuleysan doonin ama aan loo magacaabi doonin xiddiga Sanadka ee Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*