Home / CAYAARAHA / HORDHAC: Leicester City v Liverpool Reds Oo weli Difaacanaysa in Shabaqeeda Laga Gaaro

HORDHAC: Leicester City v Liverpool Reds Oo weli Difaacanaysa in Shabaqeeda Laga Gaaro

Liecseter City ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Liverpool cayaaraha Todobaadka afaarad ee horyaalka Premier League.

Naadiga Jurgen Klopp ayaa dhanka farqiga goolasha ku heysa hogaanka Premier ilaa haatan seddaxda dheel ee la cayaaray waxa ay leeyihiin 9 dhibcoos waan weli kuwa aan gool laga dhalin.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 02:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Paul Tierney

Garoonka: King Power Stadium

Wararka Labada Koox

Weeraryahanka Leicester Jamie Vardy ayaa ku maqnaanaya kulankii ugu dambeeyay ee ganaaxa seddaxda dheel.

Saxiixa xagaaga Caglar Soyuncu ayaa weli sii wata taam ahaanshaha kaddib dhaawac soo gaaray, halka Matty James uu baahi ku yahay soo kabasho dhibaato dhaawaca.

Daafaca Liverpool Dejan Lovren ayaa diyaar u aheyn kulankiisa ugu horreeya xili cayaareedkan isagoo laga daaweynayo dhibaato simaha ah.

Laacibka qadka dhexe Alex Oxlade-Chamberlain ayaa muddo waqti dheera maqan

Xaqiiqooyinka Cayaarta

Liverpool ayaa soo gabagabeysay seddax guuldarro xariir ah oo dhamaan tartamada kasoo gaartay kulamada ay u martisay Leicester markii ay 3-2 kaga badiyeen bishii September sanadkii 2017.

Reds ayaa adkaatay siddeed kamida 12kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka oo ay la kulantay kooxda lagu naaneyso dawacooyinka.

Leicester ayaa qasaartay 10kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay horyaalka Premier League la cayaartay maalinkaas kooxda hogaanka heysa, waxay dhaliyeen kaliya afar gool waxaana laga dhaliyay 25 gool.

Liverpool ayaa guuleysatay afar kulan oo aan gool laga dhalin. Markii ugu dambeeysay oo ay ku raaxeystaan kulamada sidaa oo kalaa waxay aheyn siddeed kulan xariira sanadkii 2005.

Shaxda Macquulkaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*