Home / WARARKA DALKA / Rag Burcad Dadka Dhici Jirtay Oo Saldhiga Degmada Waaberi lagu Soo Bandhigay SAWIRRO

Rag Burcad Dadka Dhici Jirtay Oo Saldhiga Degmada Waaberi lagu Soo Bandhigay SAWIRRO

Ciidamada Booliska ayaa Saldhiga Degmada Waaberi, waxa ay ku soo bandhigeen laba nin oo Burcad ah iyo hub ay wateen, kuwaasi oo dadka ay ku dhici jireen.

Raggaan ayaa watay laba Bistooladooda, islamarkaana dadka ay ku baaran jireen, waxaana lagu guulaystay in laga soo qabto Degmada Waaberi, habeen hore balse maanta la soo bandhigay.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliya Qaasim Axmed Rooble, ayaa u sheegay Warbaahinta raggaan iyo bistooladood in maxkamadda loo gudbinaayo.

Mid ka mid ah ragga dhaca gaysan jirtay ayaa wuxuu ka tirsan yahay ciidamada Asluubta Somaliya, halka midka kalena uu yahay qof shacab ah, balse hubka uu dadka ku dhacaayay waxaa lahaa askari ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya.

Labadan nine e Burcadda ayaa waxaa loo gudbiyay Xarunta Dambi Baarista Ciidamada Booliska halkaasi oo kiiskooda loo wareejiyay, iyadoo laga kaxeeyay Saldhiga Degmada Waaberi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*