Home / WARARKA DIBADA / Isbahaysiga Sacudiga Oo Qirtey Masuuliyada Duqeyn lagu laayay Carruur Dalka Yemen…

Isbahaysiga Sacudiga Oo Qirtey Masuuliyada Duqeyn lagu laayay Carruur Dalka Yemen…

Dowlada Sacudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa qirtey inay ka dambeeyeen duqeynta bas ay caruur saarnaayeen oo ay ku dhinteen 51 ruux oo 40 kamid ah ay ahaayeen carruur.

Baaritaan ay sameeyeen isbahaysiga la dagaalama jabhada Xuutiyiinta ayaa waxaa ay maanta soo dhamaystireen baaritaanka falka lagu laayay carruurta iyagoo sheegay inuu ahaa qalad ay sameeyeen bishii August sagaalkeedii duqeyn ka dhacday gobolka Sacda.

Afhayeenka ciidamada huwanta Colenel Turki al-Maliki ayaa daafacay weerarkaas maalintii uu dhacay isagoo sheegay in ay duqeeyeen goob sax ah oo Milatarigu uu lahaa.

Balse markii ugu horeysay ayaa baarayaashii falkan waxa ay sheegeen in ay waajib tahay in lala xisaabtamo ciddii ka dambeysay duqeyntan.

Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen.

Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah

Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay.

Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay bartilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*