Home / CAYAARAHA / Manchester City Oo Guul muhiim ah kaga Gaartay Newcastle United kulankooda afaraad Ee Prenier League

Manchester City Oo Guul muhiim ah kaga Gaartay Newcastle United kulankooda afaraad Ee Prenier League

Manchester City ayaa guul muhiim ah Etihad Stadium kaga gaadhay kooxda Newcastle United oo iska caabin xoogan kala hortimid waxayna Sky Blues ku soo laabtay tubta guusha iyada oo ka soo kabsatay barbarihii niyadjabka lahaa ee ay kulankii hore ka soo heshay Wolves.

Manchester United ayaa guushan ku gaadhay laba gool oo ay u kala dhaliyeen Raheem Sterling iyo Kyle Walker halka Newcastle United uu gool rajo u abuuray u saxiixay Yedlin. Manchester City ayaa culayska ku sii haysa kooxaha guulaha boqolkiiba boqolka ah ku jira ee Liverpool iyo Chelsea oo guulo ka sii gaadhay gaadhay kooxaha Leicester City iyo Bournemouth sida ay u kala horeeyaan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; John Stones, Benjamin Mendy, Kyle Walker, Aymeric Laporte; Fernandinho, Riyad Mahrez, David Silva; Sergio Aguero, Gabriel Jesus, Raheem Sterling.

Kaydka: Ilkay Gundogan, Phil Foden, Nicolas Otamendi, Bernardo Silva, Fabian Delph, Arijanet Muric, Vincent Kompany.

NEWCASTLE UNITED (5-4-1): Martin Dubravka; Jamaal Lascelles, Ciaran Clark, DeAndre Yedlin, Paul Dummett, Federico Fernandez; Mohamed Diame, Kenedy, Ki Sung-yueng, Ayoze Perez; Salomon Rondon.

Kaydka: Karl Darlow, Jamie Sterry, Christian Atsu, Sean Longstaff, Joselu, Jacob Murphy, Yoshinori Muto.

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku soo dhawaysay Newcastle United waxayna kooxda Guardiola doonaysay in ay ka soo kabsato barbarihii ay dhibcaha ku lumisay ee kulankii Wolves laakiin Benitez ayaa doonayay in uu Sky Blues xaalad kale ku sii abuuro oo uu dhibco kala baxo Manchester.

DAQIIQADII 8 AAD Manchester City ayaa la timid goolkeeda furitaanka ee u muuqday mid xaalada wax sahlan ka dhigaya kadib markii uu Raheem Sterling caawin ka helay Benjamin Mendy ee uu kooxdiisa City u saxiixay goolka furitaanka, wuxuna Sterling ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Sky Blues hogaanka kula wareegtay.

Manchester City ayaa abuurtay fursado fiican oo kale oo ay markiiba ciyaarta gacanta ugu dhigi kartay laakiin Newcastle United ayaa samaysay adkaysasho badan si ay ciyaarta wali baaqi ugu sii ahaato waxayna dhinaceeda ka waday qorshihii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

DAQIIQADII 30 AAD Newcastle United ayaa la timid goolka xamaasada ciyaarta sare u soo qaaday kadib markii uu Deandre Yedlin uu kooxdiisa u saxiixay goolka barbaraha isaga oo caawin ka helay Rondon waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayayna Manchester City awoodin in ay wax goolal kale ah keensato halka Newcastle ay ku faraxsanayd in ay ciyaarta ku soo laabtay waxaana lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Manchester City ayaa soo laabtay iyada oo soo qaadatay dardaarankii ugu danbeeyay ee Guardiola waxayna bilaabeen in ay raadiyaan qaabkii ay goolal kale ku keensan lahaayeen halka Newcastle lafteedu ay qabtay dardaaran ah in ay ugu yaraan ciyaarta barbaro ku hayaan.

DAQIIQADII 52 AAD Alla Muxuu Gool Ahaa!! Kyle Walker ayaa gool gantaal ah u dhaliyay kooxdiisa Manchester City si uu uga soo saaro xaalada adag ee ay ku jireen isaga oo waliba caawin ka helay Sergio Aguero waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Man City hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay.

DAQIIQADII 58 AAD Guardiola ayaa kaydka uga yeedhay Bernardo Silva wuxuuna saaray Gabriel Jesus oo aan wali xili ciyaareedkan dib u helin qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee xili ciyaareedkii hore waxayna City sii waday in ay natiijada ilaashato isla markaana ay raadiso goolka saddexaad.

Manchester City ayay dhibaato ku noqotay in ay keensan kari wayday goolkeeda saddexaad si ay ciyaarta natiijadeeda u go’aamiso wuxuuna Guardiola ka cabsi qabay in Newcastle ay hal fursad ku ciqaabto kooxdiisa oo ay barbaraha keensato.

Ugu danbayn Manchester City aya awooday in ay natiijada ciyaarta ku dhamayso 2-1 ay guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda Newcastle United oo iska caabin xoogan u muujisay wiilasha Guardiola waxayna Sky Blues ku soo laabtay tubta guusha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*