Home / WARARKA DALKA / Doorashada Ka Hor Musharaxii La Tartamayay Gen C/llaahi Gaafow oo Tanaasulay

Doorashada Ka Hor Musharaxii La Tartamayay Gen C/llaahi Gaafow oo Tanaasulay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya inuu tanaasulay musharixii kursiga golaha shacabka kula tartamayay Gen C/llaahi Gaafow Maxamuud.

Doorashada ka hor ayuu ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay inuu la tartamO Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Gaafow Maxamuud.

Xiireey Muxudiin Cumar, oo ahaa Musharaxa kaliya ee la tartamayay Gen Gaafow, ayaa sheegay in markuu qiimeeyay xaalado badan kadib uu ka tanaasulay inuu tartamo.

Xiireey, ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Inkastoo Xiireey uu sheegay inuu tanaasulay ayaa haddana guddiga doorashada waxay sheegeen in codadka la dhiibanayo, si doorasho ay kaga dhacdo magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Jen. Gaafow ayaa noqonaya Xildhibaan, isagoo bedelada walaalkiis C/qaadir Gaafow oo dhowaan kursigan ka tanaasulay, waxaana jiray inuu horay ugu soo baxay doorasho Muran dhalisay oo sanadkii 2016 ka dhacday Cadaado, balse horaantii sanadkii 2017 iyadoo ku celis ah lagu qabtay Muqdisho uu hadana dib ugu guuleystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*