Home / CAYAARAHA / Dagmada Dharkinley Oo Ganaax Garka Lo Galiyey

Dagmada Dharkinley Oo Ganaax Garka Lo Galiyey

Dagmada Dharkenlay ayaa gaba ahaanba laga saaray tartanka dagmooyinka iyadoona laga ganaxay sidoo kale in sanadka danbe aysan ka soo qeeb gali karin .

Ganaxan ayaa yimid sida la sheegay markii tageerayasha dagmada Dharkenly ay burburiyeen kuraasta garoonka jamacadaha .

Dhibcihii kulankii shangani Iyo Dharkenlay Waxaa lagu wareejiyay dagmada shangaani oo hada rajo yeelatay halka kulanka u harsan dharkenly sedax dhibcood lagu wareejiyay dagmada kaxda .

Gudoomiyaha sports Dagmada dharkenly ayaa arintaas ka biyo diiday Waxaana Go’aankiisa ku raacay Gudoomiyaha sports-ka Ee dagmooyinka .

Kulan Deg DEG oo Gudoomiyaha sports dagmooyinka kula yeeshen Galabta garoonka banaadir Gudoomiyaha sports Gobalka Banadir Xasan Xaaji Yabarow Wiisha ayaa lagu bilamayay bari afar saac xafiiska sports Gobalka Banadir .

Somaliya kama jirto Nidaam tageere oo u diiwan gashan kooxaha Dalka ,dagmooyinka Iyo maamul goboleedyada tusaale tageere membershib ka ah kooxda uu tageero oo wata aqoonsi Sidoo kale qof waliba oo tageero oo ciyaar dawanayo waxa uu ka fariista garoonka meeshiii uu doono madaama uusan jirin nidaam tageraysha garoonka ukala xeen daabayo .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*