Home / CAYAARAHA / Maxay kusoo dhamadeen kulamadii xiisaha lahaa ee tartanka Dagmooyinka Gobolka Banaadir.

Maxay kusoo dhamadeen kulamadii xiisaha lahaa ee tartanka Dagmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaana la ciyaaray labo kulan oo qeeb ka ahaa tartanka dagmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan Group C.

Dagmooyinka Kaaraan iyo Boondheere ayaa kuwada ciyaaray garoonka koonis ciyaar kusoo dhamaatay barabaro 1:1 ah.

Labada dagmo ayaa markii hore ahaa isku dhibco isku goolal sharciga koobka uyaala ayaa ah hadii labo dagmo ay sidaas noqdaan in loo sameeyo qori tuur gudaha garoonka .

Qori tuurki lasameeyay waxaa kusoo baxay dagmada Boondheere oo usoo gudubtay wareega kale iyadoo kaalinta labaad kusoo baxday.

Halka Kaaraan ay isaga hartay tartanka Dagmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale kulan kale aya ka dhacay garoonka jaamacadaha kaas oo udhaxeeyay dagmooyinka Dayniile iyo H- Wadaag.

Kulanka ayaana kusoo dhamaaday 2: 0 ay guusha ku qaaday Dagmada H-Wadaag.

Dayniile ayaana sidaas ku macsalaameesay tartanka Dagmooyinka Gobolka Banaadir.

Kaalinta kowaad waxaa kusoo baxay H-Wadaag halka Boondheere ay labaad kusoo baxday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*