Home / CAYAARAHA / Tababare Jurgen Klopp Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Qaabka Dar Darta ah Ay Kooxdiisa Liverpool Ku Bilaabatay Xilli Ciyaareedka Cusub Ee 2018-2019

Tababare Jurgen Klopp Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Qaabka Dar Darta ah Ay Kooxdiisa Liverpool Ku Bilaabatay Xilli Ciyaareedka Cusub Ee 2018-2019

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qaabka wacan ee ay kooxdiisu ku bilaabantay horyaalka kaddib bandhigyo cajiib ah oo ay kala soo muuqdeen afartii kulan ee ugu horreeyay ee horyaalka laga ciyaaray ilaa haatan.

Wiilasha Jurgen ayaa guulo xidhiidh ah ka gaadhay kooxaha West Ham United, Crystal Palace, Brighton & Leicester City waxaana ay 12 dhibcood oo nadiif ah ku fadhiyaan figta ugu sarraysa ee horyaalka iyaga oo dhibcaha la wadaaga kooxaha Chelsea iyo Watford.

Haddaba, Tababare Klopp ayaa sheegay in xiddigaha kooxdiisu aysan wali joogin heerkooda ugu sarreeya isla markaana ay jirto shaqo badan oo ay tahay inay qabtaan, Dhinaca kale tababaraha ayaa si dadban u sheegay in xilli ciyaareedka dhabta ahi uu bilaabmi doono badhtamaha bishan September maadaama oo ay saddexdii maalmoodba kulan ciyaari doonaan.

Tababaraha ree Germany ayaana hadalkiisa ku bilaabay “Ciyaartoydu wali ma joogaan heerkoodii ugu sarreeyay, taa sababteeduna waa inaynu walu ku jirno qeybta hore ee xilli ciyaareedkaa, Waa wax caadiya”

“Qofkasta waa inuu ogaado waxa noo taala shaqo badan oo ay tahay inaan qabano laakiin haddii aysan ogayn kaddib aniga ayaa u sheegi doona, Marka aad guuleysato afar jeer waxay u muuqata mid waali ah inaad sidaa tidhaa laakiin wali waa qayb kamid ah kulamada saaxiibtinimo ee xilli ciyaareedka ka horreeya”

“Laga bilaabo badhtamaha September waan ciyaari doonaa saddex maalmood oo kasta sidaa darteed shaqada imika ayaan qabanaynaa”

Ugu dambayn, Kooxda Liverpool ayaa kulamo xidhiidh ah oo waali ah ciyaari doonta kaddib fasaxa kulamada xulalka qaranka waxaana kulamadaas kamid ah kulamo ay la yeelan doonto kooxaha Paris Saint-Germain iyo Chelsea.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*