Home / CAYAARAHA DALKA / Natiijooyinka Kalamada Tartanka Dagmooyinka Gobolka Banaadir

Natiijooyinka Kalamada Tartanka Dagmooyinka Gobolka Banaadir

Waxaa maanta la ciyaaray kulamo ka tirsan tartanka degmooyinka ee Gobolka Banaadir, waxaana la soo gabagabeyay Guruup-ka D, ay kuwada jireyn degmooyinka kala ah Wadajir, Cabdicasiis, Xamar weyne iyo Heliwaa, waxaa iskaga haray degmooyinka kala ah Heliwaa iyo Cabdicasiis, xili ay soo baxeyn degmooyinka kala ah Wadajir iyo Xamar Weyne.

Degmooyinka kala ah Wadajir iyo Heliwaa ayaa galabta kuwada dheelay garoonka Jaamacadaha ciyaartas ayaa ku soo dhamaatay 4-1, ay guusha ku raacday wiilasha Wadajir.

Dhanka kale Garoonka Banaadir Stadium ayaa ciyaar kale xiiso badan ka dhacday taa oo u dhaxeysay degmooyinka Xamar Weyne iyo Cabdicasiis, kulankaas ayaa waqtiga caadiga ku soo dhamaaday bar baro 1-1, bar baraha waxey fursad u aheyd degmada Xamar Weyne taa oo u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka tartanka degmooyinka.

Guruup-kan waxaa haray:

Cabdicasiis iyo Heliwaa

Waxaa Soo Baxay

Wadajir iyo Xamar Weyne.

Waxeyna ku kala dhici doonan degmooyinka kala ah Hodan iyo Shibis, Hodan waxaa ku dhici doona Degmada Xamar Weyne halka Shibis ay ku dhici doonto Degmada Wadajir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*