Home / WARARKA DALKA / Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Ka Dhacay Magaalada Qardho Ee Maamulka Puntland

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Ka Dhacay Magaalada Qardho Ee Maamulka Puntland

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax ka dhex dhacay geerish ku yaalla magaalada Qardho ee maamulka Puntland.

Si dhab ah looma oga waxa sababay qaraxan, balse warar aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay biro ay garaacayeen shaqaalaha geerishka.

Wariyeyaal ku sugan magaalada Qardho ayaa waxa ay inoo sheegeen qaraxan inay ku dhaawacmeen ilaa Shan qof oo ka mid ahaa dadka ka shaqeynayay geerishka.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan baaritaanada la xiriira qaraxan iyo sababta rasmiga ah ee ka dambeysay.

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa waxa ay hawlgal ka bilaabeen xaafadaha magaalada Qardho, waxayna wadaan hawlgal amni xaqiijin ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*