Home / CAYAARAHA / Waaberi Oo U Soo Baxday Semi Final ka Tartanka Degmooyinka Gobalka Banaadir

Waaberi Oo U Soo Baxday Semi Final ka Tartanka Degmooyinka Gobalka Banaadir

Waaberi ayaa noqotay Degmadii ugu horreysay ee u soo baxda afar dhammaadka tartanka Degmooyinka Gobalka Benaadir kaddib markii ay gool madi ah galabta kaga adkaatay Boondheere.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

Balse markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee dheesha ayay Waaberi heshay goolka ay ku adkaatay.

Waaberi waxay iminka sugeysaa cida ka soo baxda Hodan iyo Xamarwayne oo ciyaari doona Khamiista.

Kulanka ayaa lagu waday inuu dhoco berito balse waa la baajiyay kaddib qaraxii maanta ka dhacay xarunta Degmahada Hodan.

Waxaa xusid mudan in Waaberi ay tahay Degmahada xafidaneysa Tartankan kaddib markii ay sanadkii tagay ka qaaday Degmada Hodan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*