Home / CAYAARAHA / Jamie Carragher oo ugu baaqay Rashford inuu ka tago Manchester United

Jamie Carragher oo ugu baaqay Rashford inuu ka tago Manchester United

 Halyeeygii kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa talo muhiim ah siiyay weerar yahanka Manchester United.

Jamie Carragher ayaa kula taliyay Rashford inuu ka tago Manchester United isla markaana uu ku biiro kooxda Everton si uu u helo fursad fiican.

Image result for Rashford Everton

Wuxuu tusaale u soo qaatay Lukaku oo fursad ka waayay Chelsea isla markaana wacdaro ku soo bandhigay kooxda Everton taas oo keentay in United ay ku iibsato lacag badan.

Carragher ayaa u sheegay Rashford in Everton uu ka helayo boos joogto ah halka haatan uu keydka u fadhiyo Lukaku.

Taladiisa ayaana ah inuu ka hoos baxo Lukaku si uu u helo daqiiqado badan oo uu ciyaari karo isla markaana uu isku muujin karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*