Home / CAYAARAHA / Muxuu Ku Soo Idlaaday Kulanka Galabta Hodan Iyo X Weyne

Muxuu Ku Soo Idlaaday Kulanka Galabta Hodan Iyo X Weyne

Hodan ayaa u soo gudubtay afar dhammaadka tartanka Degmooyinka Gobalka Benaadir kaddib markii ay 3-2 uga adkaatay Xamar Wayne.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hogaamineyso Hodan.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee dheesha Hodan ayaa la timid goolka saddexaad, halka ay Xamar Wayne heshay gool aan waxba u tarin maadaama looga adkaaday 3-2.

Waxaa Xusid mudan in Hodan sanadkii tagay ay isa soo taagtay Finalka tartankan inkastoo ay guul darro culus kala kulnatay Waaberi oo qudheeda iminka u soo gudubtay Semi Final ka Tartanka Degmooyinka ee Sanadkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*