Home / WARARKA DALKA / Banaanbax looga soo horjeedo dilal ka dhacay Kaxda oo lagu qabtay Degmadaas

Banaanbax looga soo horjeedo dilal ka dhacay Kaxda oo lagu qabtay Degmadaas

Banaanbax looga soo horjeedo dilal shalay ciidamada Booliska ay ka gaysteen Degmada Kaxda, ayaa maanta ka dhacay Degmadaasi, kaasi oo ay isugu yimaadeen qaybaha Bulshada.

Dadka ku nool Degmada Kaxda, ayaa sheegaya in ciidamada Booliska shalay ay dileen laba nin oo mid ka mid uu yahay askari ka tirsanaa ciidamada Militariga, halka ruuxa kalena uu ahaa qof shacab ah.

Dadka ku Banaanbaxay Degmada Kaxda oo haween, carruur iyo dhalinyaro isugu jiray ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin laamaha ammaanka inay sheegeen dil rayid ay u gaysteen inay ku tilmaameen rag burcad ahaa.

Mid ka mid ah ragga la dilay oo Burcadda ka mid ahaa, ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in ruuxa kale uu ahaa qof shacab ah, gaari uu saarnaana lagala dagay, kadibna ciidamada ay dileen.

Madaxda Dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay ugu baaqeen inay si deg deg ah arrintaasi baaris loogu sameeyo, maadaama dil loo gaystay nin rayid ah kadib si xun ciidamada gaari ay u jiirsiiyeen.

Saraakiisha Ammaanka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ragga shalay lagu dilay Degmada kaxda ay ahaayeen Burcad, islamarkaana hawlgalkaasi ciidamada ay fuliyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*