Home / CAYAARAHA / Firmino oo markii ugu horeesay ka hadlay kadib dhaawacii darnaa ee kasoo gaaray isha kulankii Tottenham

Firmino oo markii ugu horeesay ka hadlay kadib dhaawacii darnaa ee kasoo gaaray isha kulankii Tottenham

Roberto Firmino ayaa fariin ugu diray taageerayaashiisa bartiisa rasmiga ah ee Inistigram-ka, si uu kaga warbixiyo xaaladiisa caafimaad, kadib dhaawacii xooganaa ee kasoo gaaray dhanka isha, inta lagu gudi jiray kulankii Tottenham Hotspur.

“Waxay ahayd waqti aad iigu xanuun badan aniga ahaan, laakiin haatan isheyda aad ayay u fiican tahay, waxaan u mahadcelinayaa qof walba ee garab taagnaa, goor dhow ayaan is arki doonaa”.

Dhaawaca Roberto Firmino ayaa muujinaya inuu waayi lahaa ishiisa bidix, kadib markii uu waxyeelo xoogan kaga geestay difaaca kooxda Tottenham Hotspur Jan Vertonghen.

laakiin warar dhowaan soo baxay, gaar ahaan saxaafada dalka England ayaa sheegtay in xaalada Roberto Firmino ay tahay mid xasiloon, isla markaana uusan soo gaarin dhaawac daran

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*