Home / WARARKA DALKA / Wasaaradda Arrimaha gudaha oo war ka soo saartay xaaladaha ka jira Maamul Goboleedyada

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo war ka soo saartay xaaladaha ka jira Maamul Goboleedyada

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay arrimaha ka jira maamul goboleedyada, gaar ahaan xiisahaga siyaasadeed iyo doorashooyinka ku soo fool leh.

Nuqul ka mid ah war saxaafadeedka oo la soo gaarsiisay Jowhar.com ayaa u qornaa sidan:-

War saxaafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedeeraalaynta iyo Dib-u-Heshiisiiinta

Dimoqraadiyaynta iyo Federaalaynta Dalka

  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socotaa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin  lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.

Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doono in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqayaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*