Home / CAYAARAHA DALKA / WAABERI vs SHIBIS: Goorma ayaa la ciyaarayaa Finalka Tartanka Degmooyinka…(Howl adag oo ka socota Garoonka Benaadir) SAWIRRO

WAABERI vs SHIBIS: Goorma ayaa la ciyaarayaa Finalka Tartanka Degmooyinka…(Howl adag oo ka socota Garoonka Benaadir) SAWIRRO

Markale ayaa lagu wadaa in xilli habeen ah la ciyaaro kulanka kama dambeysta ah ee tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Finalkiisa waxaa isugu soo haray Shibis iyo Waabari oo bandhig wanaagsan ku sameeyay tartanka.

Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa qorsheenaya in markale ay  Bahwaynta  Isboortiga ay soo xasuusiyaan Xilliyadii Barisaadka iyo sanadkii la soo dhaafay maadaama tartanka xilli habeen ah la qabanayo.

Ilaa  iyo iminka si rasmi ah looma shaacin waqtiga la soo gaba gabayn doono, laakiin toddobaadkaan gudihiisa ayaa la soo af meeri doonaa.

Shaqo adag ayaa ka socota garoonka Benaadir oo waxaa lagu xirayaa Leerar waa wayn waxana suuro gal ah in ciyaarta Finalka la ciyaaro Khamiis ama Jimce.

Dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa marka la xaqiijiyo goorta la ciyaarayo kulanka Waaberi vs Shibis.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*