Home / CAYAARAHA / Aqriso abaal marin walba oo lagu bixiyay xafladda FIFA The Best (Sawirro)

Aqriso abaal marin walba oo lagu bixiyay xafladda FIFA The Best (Sawirro)

Xafladda FIFA The Best ayaa xalay lagu qabtay magaalada London ee caasimadda Englan.

Haddaba sidee loo kala qaatay abaal marinnadii qaaliga ahaa ee xalay FIFA bixisay.

Abaal Marinta goolka ugu fiican sanadka (FIFA Puskas Award) waxaa ku guuleystay Mohamed Salah.

Abaal marinta goolhayaha ugu fiican (FIFA Best Goalkeeper) waxaa ku guuleystay Thibaut Courtois.

Abaalmarinta Tababaraha ugu fiican dhanka Ragga (FIFA Men’s Best Coach) Didier Dechamps.

Abaalmarinta tababaraha ugu fiican dhanka Dumarka (FIFA Women’s Coach) Raynald Pedros.

Abaalmarinta taageerayaasha ugu fiican (FIFA Fan Award) waxaa hantay Taageerayaasha qaranka Peru.

Abaalmarinta ciyaar-wanaagga (FIFA Fairplay Award) waxaa ku guuleystay Lennart Thy.

Kooxda FIFA XI ee sanadka ( FIFA World XI)- waxaa safkan uu kusoo baxay sidan:

Goolhaye: David De Gea

Difaacyada: Dani Alves, Raphael Varane, Sergio Ramos, Marcelo.

Khadka Dhexe: N’Golo Kante, Luka Modric, Eden Hazard.

Weerarka: Lione Messi, Kylian Mbappe, Cristiano Ronaldo.

Abaalmarinta laacibka ugu fiican ee hablaha (FIFA Women’s Best Player) waxaa qaadday Marta.

Abaalmarinta laacibka ugu fiican ee ragga (FIFA Men’s Best Player) waxaa ku guuleystay Luka Modric.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*