Home / WARARKA DALKA / C/kariin Qalbi Dhagax oo gaaray magaalada Hargeysa….

C/kariin Qalbi Dhagax oo gaaray magaalada Hargeysa….

C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somaliland.

Qalbi Dhagax ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cigaal ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada siyaasadda Somaliland iyo dad kooban.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay dad kooban oo banaanka Garoonka diyaaradaha ku sugnaa oo watay Calanka ONLF.

C/kariin Sheekh Muuse ayaa hadal uu siiyay warbaahinta ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhoweeyay Hargeysa, isagoo sheegay Madaxda ONLF ay maalmaha soo socda imaan doonaan Hargeysa.

Waxaa horay jiray baaqyo loogu jeediyay Qalbi Dhagax inuu Hargeysa yimaado, waxaana dhowaan mar uu hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe uu sheegay in Qalbi Dhagax ay ku casumayaan Hargeysa inuu yimaado.

Tagitaanka Qalbi Dhagax ee Hargeysa ayaa noqoneysa markii u horeysay oo magaalo Soomaaliyeed uu tago, kaddib markii xabsiga laga soo daayay bilo ka hor.

Is bedelo Siyaasadeed oo ka dhacay Itoobiya ayaa sabab u noqday in Qalbi Dhagax dib u helo xoriyadiisa, isla markaana dowladda Itoobiya ka saarto liiska Argagixisada Ururka ONLF.

Bishii August ee Sanadkii hore ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya u gacan gelisay C/kariin Qalbi Dhagax dowladda Itoobiya, isagoo laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa tallaabadaas si aad ah uga carooday shacabka Soomaaliyeed, waana mid ka mid ah dhacdooyinkii gilgilay dowladda Federaalka ee ay ku weysay taageeradii shacab ee ay heshay kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo 8 February 2017.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*