Home / CAYAARAHA / Klopp oo si weyn u amaanay dhigiisa Maurizio Sarri kahor kulanka kooxaha Liverpool iyo Chelsea

Klopp oo si weyn u amaanay dhigiisa Maurizio Sarri kahor kulanka kooxaha Liverpool iyo Chelsea

Jürgen Klopp ayaa si cajiib ee qurux badan ula hadlay dhigiisa Maurizio Sarri, kahor kulanka ay Arbacada ku wada ciyaari doonaan kooxaha Liverpool iyo Chelsea koobka Carabao Cup iyo sidoo kale kulanka Axada ee horyaalka Premier League.

Macalinka kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa amaan kala dul dhacay kooxda Liverpool, kahor labada kulan ay ku wada ciyaari doonaan Carabao Cup iyo Premier League.

“Liverpool way ka fiican tahay haatan Chelsea, waxay la shaqeenayaan macalin aad u wanaagsan mudo dhan 4-5 sano, waxaan rajeeneynaa inaan gaarno heer kooda oo kale”.

Jürgen Klopp ayaa isna kahor kulank habeen dambe ay labada kooxood ku wada ciyaari doonaan Carabao Cup wuxuu si qurux badan kaga jawaab celiyay hadalkii Maurizio Sarri.

“Alla muxuu macalin yahay, waxaan la dhacsanaa shaqadiisa tan iyo marka uu ku sugnaa kooxda Napoi, kubadiisa aad ayay u qurux badan tahay”.

“Waxaan u haayaa isaga ixtiraam buuxa, saameyn cad ayuu ku yeeshay kooxda iyo ciyaartoyda, waxaan aragnaa Eden Hazard, Olivier Giroud iyo N’Golo Kanté runtii waa koox xoogan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*