Home / CAYAARAHA / Waxaa la gaaray xilligii goolhayeyaasha loo qiimeyn lahaa sida weeraryahanno!

Waxaa la gaaray xilligii goolhayeyaasha loo qiimeyn lahaa sida weeraryahanno!

Maalinka berrito ah (Sabti) waxaa is fara saari doono kooxaha Chelsea iyo Liverpool kullan ka tirsan horyaalka Premier League-ga.

Labada naadi ayaa xagaagan sameeyeen saxiixyo wax ku ool ah oo saameyn ku yeesha habsami u socodka labada naadi.

Blues ayaa lasoo saxiixatay Jorginho oo ay kala soo wareegeen Napoli, Kepa Arrizapalaga oo ay Athletico Bilbao kasoo qaateen iyo Mateo Kovacic oo ay amaah kaga soo kaxeysteen Real Madrid.

Halka Reds ay gacanta kusoo dhigtay Alisson Becker oo ay Roma kala soo saxiixdeen, Naby Keita oo ay dhammeystireen saxiixiisa iyagoo kasoo iibsaday RB Liepzig, Xherdan Shaqiri oo Stoke kaga yimid iyo Fabinho oo ay Monaco kala soo wareegeen.

Sheekada ugu xiisaha badan ayaa ah maadaama labada kooxood saxiixyadooda ugu qaalisan xagaaga ay ka dhigeen laba goolhaye.

Chelsea ayaa Kepa Arrizabalaga kusoo qaadatay €80m, halka Liverpool ay Alisson kula soo saxiixtay €75m, inkastoo €65m ka mid ah ay bixiyeen.

Labada goolhaye ayaa ah labada ugu qaalisan kubadda cagta taariikhda marka laga hadlayo goolhayeyaasha, waxaana il gaar ah lagu eegi doonaa waxqabadkooda kullanka Sabti-da ay ciyaari doonaan labada kooxood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*