Home / CAYAARAHA / Waa Kuwee Liiska Ciyaartoyda Atletico Madrid Ee Aan Wali Guuldaro Ku Gudoomin Santiago Bernabeu Kulamada Horyaalka?

Waa Kuwee Liiska Ciyaartoyda Atletico Madrid Ee Aan Wali Guuldaro Ku Gudoomin Santiago Bernabeu Kulamada Horyaalka?

Waxaa jira liis ka kooban 7-ciyaartoy oo ka tirsan xubnaha ugu muhiimsan kooxda Atletico Madrid ee hadda kuwaas oo aan hal guuldaro ku gudoomin garoonka Estadio Santiago Bernabeu kulamada La Liga waxeyna kala yahiin: Oblak, Gimenez, Lucas, Savic, Thomas, Correa iyo Griezmann.

Dhamaantood maba yaqaanaan xanuunka ay leedahay guuldarada marka la joogo Bernabeu gaar ahaan kulamada horyaalka, sida diiwanka ku qoran (Saddex guul & 2-barbaro) ayey qaarkood la kulmeen, balse lama oga iney caawa sii wadan doonaan rikoorkaas.

Marka laga hadlo tirada kulamada waxaa ugu badan daafaca reer Uruguay Gimenez kaas oo baaqi ku ah kooxda ilaa iyo shan xilli ciyaareed, waxaase run ah in kaliya hal kulan uu dhameystay 90-daqiiqo, balse daafacaan mayalka adag wuxuu ka mid ahaa kooxdii Atletico ee waqtigaas heshay 3-da guul iyo 2-da barbaro.

Oblak, Lucas, Correa iyo Griezmann ayaa ku sugan kooxda afar xilli ciyaareed, aan ka bilowno goolhayaha fasalka ugu horreeya wuxuu ahaa kursiga si la mid ah Griezmann, balse tan iyo waqtigaas xiddiga reer France saddex kulan ayuu ku ciyaaray halkaas dhamaan gool ayuu dhaliyay.

Angel Correa wuxuu ka qeybgalay saddexdii kulan ee ugu dambeysay inkastoo uusan gool dhalin, si adag ayuuna uga shaqeeyay iney kooxda natiijo fiican hesho.

Sidoo kale Thomas iyo Savic ayaa min saddex kulan ciyaaray, hal guul iyo labo barbaro ayeyse ka dhaxleen, sidoo kalana wey kusoo bilowdeen kulamada Santiago.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*