Home / CAYAARAHA / Real Madrid & Atletico Madrid Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Santiago Bernabeu Iyo Julen Lopetegui Oo Aan Wali Guul Ka Gaadhay Diego Simeone.

Real Madrid & Atletico Madrid Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Santiago Bernabeu Iyo Julen Lopetegui Oo Aan Wali Guul Ka Gaadhay Diego Simeone.

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa barbaro gool la’aan ah ku galay Santiago Bernabeu iyada oo Los Blancos kulankii labaad oo xidhiidh ah awoodi wayday in ay guulaysato. Atletico Madrid ayaa qaybtii hore ee kulankan heshay fursado ay goolal cadaan ah ku dhalin kartay balse markeeda Real Madrid ayaa qaybtii labaad ahayd kooxda ugu awooda badnayd ee fursadaha cajiibka ah abuurtay.

Julen Lopetegui ayaa wali sugi doona in uu guul ka gaadho Diego Simeone ee kulanka Madrid Derby iyada oo Los Blancos laba dhibcood ku lumisay garoonkeeda Bernabeu laakiin waxay wali isku dhibco yihiin kooxda Barcelona oo iyaduna sidan oo kale barbaro ula gashay Athletic Bilbao.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

ATLETICO MADRID (4-4-2): Jan Oblak; Juanfran, Jose Gimenez, Diego Godin, Filipe Luis; Koke, Rodrigo, Saul Niguez, Thomas Lemar; Diego Costa, Antoine Griezmann.

Kaydka: Antonio Adan, Santiago Arias, Thomas Partey, Nikola Kalinic, Angel Correa, Lucas Hernandez, Vitolo.

REAL MADRID (4-3-3): Thibaut Courtois; Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho Fernandez; Toni Kroos, Casemiro, Luka Modric; Gareth Bale, Karim Benzmea, Marco Asensio.

Kaydka: Keylor Navas, Mariano Diaz, Lucas Vazquez, Marcos Llorente, Sergio Reguilon, Dani Ceballos, Vinicius Junior.

Dhacdooyinkii Ciyaarta Ugu Muhiimsanaa:

Daqiiqadii 18 aad Griezmann ayaa ugu dhawaaday in uu dhaliyo goolka furitaanka Atletico Madrid kadib markii uu kubbad cajiib ah ka helay Koke laakiin goolhaye Courtois ayaa khadkiisa ka soo baxay si uu u sameeyo gool badbaadin muhiim ah wuxuuna kooxdiisa Madrid ka joojiyay gool cadaan ah.

Daqiiqadii 21 aad Real Madrid ayaa markeeda heshay fursad la rumaysan wayay in ayna gool noqon iyada oo Gareth Bale uu fursad dahabi ah ku helay kubbad laaga xorta ahayd oo uu Kroos soo tuuray balse xidiga ree Wales ayaa birta goolka wax yar u mariyay kubbada uu goolka ku dhalin lahaa.

Daqiiqadii 37 aad  Griezmann iyo Costa ayaa si fiican iskugu xidhmay laakiin fursada ay goolka furitaanka ku dhalin kareen oo waliba Courtois oo kaliyi uu ka xigay ayay ku fashilmeen iyada oo Costa uu awoodi waayay in uu goolkan dhaliyo.

Ciyaartoyda Atletico Madrid ayaa ku dooday in ay rekoodhe heleen kadib markii uu Casemiro kubbada gacanta ku celiyay balse garooraha ayaa tilmaamay inay koorne kaliya tahay waxayna ciyaartoyda Atletico dalbadeen in muuqaal caawiyaha garsoorka loo eego balse garsooraha ayaa iska diiday inkasta oo kubbadu ay si cad gacanta ugu dhacday.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa noqoday mid aan wax goolal ah lakala dhalin isla markaana si xun layskula daalay waxaana lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Daqiiqadii 46 aad Markii laga soo laabtay qaybtii labaad Lopetegui ayaa dadka ka yaabsaday kadib markii uu ciyaarta soo galiyay Dani Ceballos isla markaana uu reebay Gareth Bale waxaana lays waydiiyay haddii dhaawac soo gaadhay iyo haddii ay go’aan farsamo ahayd.

Daqiiqadii 66 aad Sidayna Gool U Noqon!! Marco Asensio ayaa helay fursad layaableh qaabkii ay difaaca Atletico Madrid u bixiyeen banaan intaas leeg, waxaana si qurux badan kubbada Asensio ugu bixiyay Kroos oo goolhaye Oblak iyo Asensio isku saaray, laakiin ma rumaysan kartid gool badbaadinta uu Jan Oblak sameeyay.

Dani Ceballos ayaa kubbad hayn badan iyo shaqo badan oo ka fiican shaqadii Bale ku soo kordhiyay Real Madrid waxayna taasi keentay in Los Blancos ay noqotay kooxda markasta laga filan karayay goolka furitaanka balse xaalada ayaa ahayd mid adkayd.

Julen Lopetegui ayaa ciyaarta soo galiyay da’yarka Vinícius Júnior iyo Lucas Vazguez wuxuuna saaray Karim Benzema iyo Luka Modric.

Wax walba oo ay Real Madrid ay samaysay qaybtii labaad ee ay goolal ku raadisay waxay ku fashilanatay in ay dhaafto Jan Oblak iyo difaaca Atletico Madrid waxayna labada kooxood ku heshiiyeen in saddexda dhibcood la qaybsado.

Todobaadkii labaad oo xidhiidh ah Real Madrid iyo Barcelona ayaa awoodi waayay in ay guulaystaan waxayna hadda wadaagaan min 14 dhibcood halka Atletico Madrid ay 12 dhibcood haysato wuxuuna wali horyaalku u muuqdaa mid furan iyada oo kooxaha waa wayni ay xaalad xun ku jiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*