Home / CAYAARAHA / Juventus, Milan ,Roma, Chelsea iyo Inter oo Dhamaantooda Doonaya Laacib lala Barbar-dhigo Andrea Pirlo.

Juventus, Milan ,Roma, Chelsea iyo Inter oo Dhamaantooda Doonaya Laacib lala Barbar-dhigo Andrea Pirlo.

Kooxaha ugu awooda badan qaarada yurub ayaa dhamaantooda soo bandhigay xiisaha ay u qabaan ciyaaryahan Sandro Tonali.

Sandro Tonali ayaa lagu tilmaamaa inuu leeyahay qaab ciyaareedka Halyeeygii Hore Xulka Azzuri Andrea Pirlo.

Da,yarkan ayaa haatan katirsan kooxda Seri bda talyaaniga ka ciyaarta ee Brescia sidoo kale waxuu kamid yahay Ciyaartooyda dhalinyarada ah ee xulka talyaaniga usoo baxeeysa.

Xiddigan ayaa mustaqbal ifaayo ku dhex leh saxaaxada kubadda cagta bandhigiisa wanaagsan ayaana sababay in kooxaha ugu awooda badan Horyaalka Seri A ay dalab kasoo gudbiyaan.

Juventus, As Roma , Inter Milan, Chelsea iyo Ac Milan ayaa ku dagaalami doona saxiixa toneli marka lagaaro suuqa jiilaalka ee bisha january ee sanadka cusub daaha laga rogi doono.

18 sano jirkan ayaa lagu heli karaa qiimo lacageed gaaraya 15M oo Euros waxaana ilaa iyo haatan uu ka ciyaaray horyaalka labaad ee wadanka talyaaniga 7 kulan isagoo kaliya caawiyay 1 gool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*