Home / CAYAARAHA / Juventus Oo 100-Malyan Ku Dhammaynaysa Heshiiska Labadan Xidig Ee Bartilmaameedka U Ah Barcelona.

Juventus Oo 100-Malyan Ku Dhammaynaysa Heshiiska Labadan Xidig Ee Bartilmaameedka U Ah Barcelona.

Kooxda ku ciyaarta Allianz Stadium ayaa lagu soo warramayaa in ay Barcelona kaga horrayso saxiixyada xidigaha Ajax ka wada tirsan ee Matthijs de Lig iyo Frenkie de Jong.

De Jong ayaa waqti dheer bartilmaameed u ahaa kooxaha ugu awoodda badan qaaradda yurub sida Barcelona, Real Man United, iyo Juventus.

Halka Matthijs de Ligt uu bartilmaameed u ahaa kooxda Barcelona oo mar ku dhawaatay in ay suuqii xagaaga la saxiixato daafacan reer Holland.

Si kastaba ha ahaaatee, Calciomercato ayaa shaacisay in ay Juventus ay 100-malyan oo Euro ay kusoo idleenayso saxiixyada Matthijs de Ligt iyo Frenkie de Jong.

Juventus ayaa waqti walba ka fakaraysa sidii ay kooxdeeda ugu sop kordhin lahayd xidigo da’yar oo kooxda caawin kara mustaqblaka fog maadaama xidigaheeda safka hore ee waqtigan ay yihiin kuwo ay da’du haraysay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*