Home / CAYAARAHA / Tababare Ernesto Valverde Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Kooxda Real Madrid Kulanka Berri, Xiddigaha Ka Dhex Muuqda & Kuwa Laga Dhex Waayay.

Tababare Ernesto Valverde Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Kooxda Real Madrid Kulanka Berri, Xiddigaha Ka Dhex Muuqda & Kuwa Laga Dhex Waayay.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liis ka kooban 19 xiddig oo uu ku shirtagi doono kulanka ay berri qaabili doonaan kooxda Real Madrid ee El-Classico.

Liiskan 19-ka ah ayaa la micno ah in hal xiddig ku dheeraad yahay isla markaana laga saari doono kahor kulanka waxaana macquul ah in xiddiga booskiisa waayaa uu noqdo  Chumi oo ah da’yarka daafaca uga dheela da’yarta Barcelona B.

Liiskan ayuu si lama filaan ah ugu soobaxay Denis Suarez oo aan hore uga qayb ahaan jirin qorshayasha tababare Valverde balse waxa uu haatan u muuqdaa mid fursad ka heli kara kulanka ugu muhiimsan xilli ciyaareedka.

Sidoo kale liiskan ayay gabi ahaanba seegeen xiddigaha kale ee isla da’yarta Barca B ka tirsan ee  Sergi Samper iyo Carles Alena kuwaas oo aan wax fursad ah ka helin tababaraha kooxda ilaa haatan.

Liiskan ayaa ah mid aysan wax layaabyo ahi ka dhex muuqan waxaana sidii horeba loo filayay ka dhex maqan xiddigaha dhaawaca qaba ee Lionel Messi, Samuel Umtiti iyo Thomas Vermaelen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*